Aabe Fal argagax leh u geestay cunug uu dhalay oo labo bilood jira (Sawirro)

Gobolka Imo ee koonfurta dalka Nageria waxaa ka dhacay fal dad badan ka argagaxeen, kaddib markii aabe lagu magacaabo Confidence Amatobi gacanta ka jabiyay cunug yar uu dhalay oo la sheegay in labo bilood kaliya jiro.

Warbaahinta dalka Nageria ayaa tabinaya in aabahan arxanka daran uu cunugiisa aadka u yar gacanta ka jabiyay, kaddib markii uu dhibsaday kana carrooday oohintiisa badan, waxaana aabahan la sheegay in si naxariis darro ah cunugaasi yar gacanta uga jabiyay.

Ciidamada booliiska dalka Nageria iyo kooxaha u dooda xaquuqda carruurta ayaa baadigoob ugu jira soo qabashada aabahan arxanka daran ee gacanta ka jabiyay cunugiisa, waxaana la sheegay in dhuumasho ku jiro aabaha falkan ku kacay.

Hooyada dhashay cunuga yar ayaa sheegtay in falka n  uu dhacay khamiistii lasoo dhaafay, waxa ayna xustay in aabaha u dhiibtay cunuga yar si ay bannaanka u aado,balse cunuga markii uu ooyay kaddib aabaha oo carrooday cunuga gacanta ka jabiyay.

Waxa ay sheegtay hooyadan in cunuga ooyintiisa kusoo baxday ayna weediisay aabaha waxa ku dhacay, waxa uuna u sheegay in uu ka xanaaqay oohinta cuniga sidaasna dhibaatada sababtay in gacan ka jabto ugu geestay.

Hooyada oon ogaan in cunuga gacanta ka jaban yahay ayaa markii dambe aragtay cunuga yar oo gacanta ka barartay, aabaha ayaa sidoo kale ogaaday in cunuga yar jaban yahay uuna galay fal dambiyeed weyn.

Aabaha arxanka daran ayaa markii uu ogaaday in wiilka jabantahay biilaabay in gacanta uu xiro. Intaas kadib xaaskiisa iyo wiilka yar ayuu guriga ku xiray kana qaatay telfoonkeedii halkaasi oo ay muddo laba maalmood ah ku jireen.

Hooyada iyo wiilkeeda waxaa usoo gurmaday oo gacan siiyay dariskooda, waxaana cunuga si degdeg ah loo geeyay isbitaal halkaas oo cunuga yar gacanta looga jaray kaddib markii gacanta barartay sidoo kale gudaha ka jiratay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -