Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu danjire Cali Cagabaruur kala hadlay Dr. Issahaq Umar Iddrisu? (Sawirro)

Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Issahaq Umar Iddrisu oo ah madaxa xafiiska Bangiga Horumarinta  Islamic. (Islamic Development Bank) oo fadhigiisu yahay Uganda, xafiiskan oo ay  hoos yimaadaan  wadamada kala ah: Somalia Uganda, Comoros, Djibouti.

Dr. Issahaq Umar ayaa Danjire Cali Maxamad Maxamuud ugu warbixiyay Mashaariicda dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, Arrimaha hormarinta iyo howlaha xiriira samafalka ee uu maalgaliyo Bangiga.

Danjire Cali Maxamed Maxamuud ayaa Dr issahaq Umar kaga mahad celiyey booqashadiisa Safaaradda asigoona ku amaanay howlaha mashaariicda ah iyo hormarinta ee Bangiga uu ka fuliyo gobolka.

Dhan kale Dr issahaq Umar Iddrisu oo dhawaan la soo magacaabay islamarkaana Xafiiskiisa uu hoostago Somalia ayaa sheegay inuu dhawaan tagi doonna Soomaaliya islamarkaan bangiga hormarinta ee islaamiga uu Soomaaliya ka fulan doonna Mashaariic horumarineed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wasiirka Amniga oo caawa kormeer kedis ah ku tegay xarumaha Booliska qaarkood (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne 80 jir ah oo ku dhawaaqay inuu mar kale u tartamayo xilka ugu sareeya

Caydiid Ali

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil saakay ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---