Qoyska Jamal Khashogi oo shaaciyay in cafiyeen dadkii dilay Aabahood

Mid kamid ah Wiilashadii uu dhalay Jamal Khashoggi Wariyihii caanka ahaa ee lagu dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbuul ayaa shaaciyay in ay cafiyeen dadkii ka dambeeyay dilka aabahood.

Salah Khashoggi oo kamid ah wiilashada uu dhalay wariyihii la dilay ayaa qoraal uu barta Twitterka soo dhigay ku sheegay in qoyskooda cafiyeen kuwii dilay aabahood si ilaahey dartiisna ay u cafiyeen.

“Habeenkan barakaysan oo ka mid ah bisha Ramadan waxaan xasuusanaynaa qowlkii Alle ee ahaa;Haddii uu qof cafiyo uuna heshiis sameeyo Alle ayaa u abaalgudaya, sidaa darteed Annagoo ah wiilashii Shahiidkii Jamal Khashoggi waxaan ku dhowaaqeynaa in aan cafinay kuwii diley aabaheen annagoo raadinaynaa abaalmarinta Alle.”ayuu ku yiri qoraalka Salah.

Dowlada Sacuudiga ayaana wali ka hadlin cafiska qoyska wariye Jamal Khashoggi u fidiyeen dadkii dilay aabahood, lamana oga waxa ay ka badali doonto arintan dad loo heesto kiiska dilkaasi oo Sacuudiga ku xiran.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa horey loo sheegay in wiilashada Jamal Khashoggi ay la gashay heshiis ayna siisay guryo qaali ah sidoo kale loo balan qaaday in bil kasta lasiinayo lacago badan oo noloshooda ku maareeyaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -