Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo qaabilay Jen. Thomas D. Waldhauser & Saraakiil la socotay (Sawirro)

Madaxweynaha  Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo  ayaa maanta kulan la qaatay taliyaha Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) Thomas D. Waldhauser oo shalay Muqdisho soo gaaray.

Barta ay AFRICOM ku leedahay twitterka ayaa lagu daabacay in Madaxweyne Farmaajo iyo Thomas D. Waldhauser ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin dardar gelinta dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, iyo xoojinta dagaalka lagula jiro argagaxisada.

Taliye Gen Thomas ayaa sheegay in dowladda Mareykanka siiso tageero mug leh dowladda Soomaaliya iyo howlgalka midowga Africa AMISOM si loo gaaro hadafka ah in hormar laga sameeyo dhinacyada nabada iyo siyaasada dalka Soomaaliya.

Mareykanka oo ay Somalia ka joogaan ciidamo tiradooda lagu siyaasay illaa 500 oo askari ayaa laba jibaaray maalmihii lasoo dhaafay duqeymaha ay ka fuliso lala beegsanaayo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Deegaanka Gobsho (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad

Cabdi Cade

Saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya oo gaaray Deegaanka Bohol iyo Wadahadalo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---