Uhuru Kenyatta: “Somalia Kalluun ha noo soo dhoofiso, anaguna Qaad baan u dhoofineynaa”

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa intii uu socday shirkii soo gabogaboobay ee Dhaqaalaha Biyaha oo lagu qabtay Nairobi waxa uu booqday goobtii lagu soo bandhigayay wax soo saarka Soomaaliya.

Muuqaal ay faafisay Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa waxaa ka muuqday mid ka mid ah hawlwadeenada goobta bandhigga oo madaxweynaha u sharaxayay kheyraadka kalluunka ee Soomaaliya, wuxuuna yiri “Waxaan rabnaa in kalluunka Soomaaliya loo iib keeno Kenya”.

Kadibna Uhuru Kenyatta ayaa ku jawaab celiyay “Haa kalluunka Soomaaliya waan soo dhoofsanaynaa, idinkuna qaadka naga dhoofsada”.

Qaadka ayaa ah 90% badeecooyinka ay Kenya u dhoofiso Soomaalia, sannadkii horena waxaa kasoo galay lacag dhan Sh8.02 bilyan oo lacagta Kenya ah.

Inkasta oo inta baddan la sheego in kalluunka Soomaaliya si sharci darro ah loo gurto, haddane waxaa jirta xaddi yar oo ganacsato Soomaaliyeed ay u iib geyso dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -