Dhacdo yaab leh: Nin lagu tiriyay dhimasho oo soo garaacay naxashkii lagu waday

Hirpha Negero oo ah aabe Itoobiyaan ah oo dhalay shan carruur ah ayaa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday maalintii Talaadada ahayd,

Rasaas ayaa labo jeer kor loo riday, taasoo lagu xaqiijinayay geeridiisa isla markaana dadka xaafadda loogu sheegayay iney aaskiisa ka soo qeyb galaan, Sida uu qabo xeerka dhaqan ee maxalliga ah, oo looga dhaqmo xaafadda ka tirsan degmada Sibu Sire ee bartamaha gobolka Oromada ee dalka Itoobiya

Ninka xaafadda u qaabilsan howlaha qabriyada ayaa naxash dhex galiyay Mr. Hirpha wuxuuna u diyaariyay in la aaso.

Balse, intii ay socotay munaasabadda aaska, saacaddu markii ay ahayd abaare 3:30 galabnimo, ee wakhtiga Itoobiya ah, ayey dadkii murugsanaa ee tacsida joogay maqleen garaacis ka imaaneysay gudaha naxashka

“Dadku aad bey u argagaxeen weyna kala carareen, xitaa ma aanan heli karin qof i caawiya”, ayuu yiri Mr. Etana, isagoo sharraxayay sida uu Mr. Hirpha caawinaada ugu baahnaa markii uu ka furay naxashka.  waxaana dhacdadan si weyn u hadal haya shacabka iyo warbaahinta dalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -