Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Qatar ee QNA, waxay labada hoggaamiye ka wada hadleen xiriirka labada waddan iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyo weliba dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Qadar ayaa sheegtay in ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaasi uu qoraal uu ka siday Amiirka Qatar uu soo gaarsiiyey madaxweynaha Soomaaliya.

Farriintaasi qoraalka ah ayaa wakaaladdu sheegtay inuu madaxweynaha Soomaaliya soo gaadhsiiyey ergayga gaarka ah Mutlaq Bin Majiid Al-Qahtaani.

Farriintan ayaa la sheegay inay sidoo kale ku saabsanayd xiriirka labada waddan, iyo muhiimadda dib u heshiisiin qaran oo Soomaaliya ka dhacda, si looga dhabeeyo xasilloonida waddanka, sida lagu sheegay farriintaasi ay baahisay wakaaladda wararka ee Qatar.

Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Qatar ayaa maalmahan booqasho ku joogay Soomaaliya, waxaana uu shirar kala duwan la yeeshay madaxda dawladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka.

Al-Qahtani ayaa sidoo kale, kahor imaatinkiisa Muqdisho, waxa uu soo maray magaalada Hargaysa oo uu kula kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar uu dhalay nin lagu tilmaamo Maskaxda Putin oo qarax lagu dilay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo saxiixay Miisaaniyada cusub ee Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Cali Xoosh oo su’aalo xasaasi ah lagu weydiiyey Aqalka sare

Caydiid Ali
Taboola Ads ---