Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya oo gaaray Deegaanka Bohol iyo Wadahadalo socda

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen deegaanka Bohol ee dhaca duleedka magaalada Dhuusomareeb, halkaas oo fariisin u ah ciidankii Ahlu Sunna ee ka baxay magaalada Guriceel.

Sida aan wararka ku heleyno saraakiisha gaartay Bohol waxaa hogaaminaya  General Aadan Abshir Nuure oo ah taliyaha ururka 6-aad ee guutada 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed kaa oo dhawaan gaaray Galmudug.

Sargaalkan katirsan milatariga Soomaaliya iyo xubnaha la socda ayaa kulamo la qaatay saraakiil katirsan Ahlu Sunna, waxa ayna kawada hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafkii dhaliyay in dagaal dhiig badan ku daato ka dhaco Guriceel.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa hada ku sugan iskuna aruursanaya deegaanka Bohol ee dhaca duleedka Dhuusomareeb, waxa ayna Ahlu Sunna dooneysaa in wadahadal iyo gor gortan la gasho maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa horey uga biyo diiday in wadahadal la galo hogaanka Ahlu Sunna, waxa uuna door biday in kooxdaasi kula galo Guriceel dagaal dhiig badan ku daatay, lamana oga in wadahadalkan bilowday Galmudug raali ka tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo guddoomiyey kulan xasaasi ah oo lagu qabtay Jowhar (Sawirro)

Caydiid Ali

Diblomaasiyadda Rooble iyo Dibna Qaniinka Farmaajo Ma Ka Badbaadin Doonaan Soomaaliya Muranka Itoobbiya iyo Masar?

Cabdi Cade

Trump oo lagu ganaaxay labo Milyan oo dollar & sababta uu ku muteystay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---