Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa maanta oo Isniintii si rasmi ah u saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Azerbaijan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Heshiiskan waxaa la saxiixay 12-kii Febraayo 2024, magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya iskaashi buuxa oo dhanka difaaca iyo tababarka milatariga ah, wuxuuna sal u yahay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Azerbaijan. Heshiiskaan ayaa si gaar ay u quseeya
-Tababarka iyo isweydaarsiga khibradaha ciidamada qalabka sida;
-Wada shaqeynta warshadaha hubka iyo qalabka difaaca;
-Iskaashiga dhinacyada sirdoonka militari iyo tiknoolajiyadda;
-Kaalmo farsamo iyo tababaro la xiriira horumarinta awoodda difaaca Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyadoo sidoo kale la filayo in heshiiska uu furo albaab cusub oo iskaashi amni iyo mid dhaqaale ah labada dal u dhexeeya.