Dhismaha Dekadda Garacad oo si rasmi ah loo Daah Furey (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u daah furay dhismaha Dekedda magaalada Garacad ee gobolka Mudug, waxaana munaasabada daah furka dekadda ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan.

Mashruuca lagu dhisayo dekadda Garacad ayaa qeyb ka ah qorshaha isku tashiga shacabka iyo maamulka Puntland, waxaana dhismaha dekaddan ku baxaya malaayiin dollar oo lacag ah, waxaana dhisaya shirkad Turkiga laga leeyahay.

Daah furka dhismaha Dekadda Garacad ayaa bilooyin dib u dhacay kadib markii Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khere  xili uu Puntland ku sugnaa ka biyo diiday in uu dhagax dhigo dekadda Garacad  .

Qorshaha Puntland dekadda uga dhiseyso Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in ay tahay mid la doonayo in lagu wiiqo dhismaha Dekadda magaalada Hobyo, labada dekad ayaana masaafo ahaan sidaa u kala fogeyn taa dhalin karta caqabado.

Dhismaha dekedda ayaa dhererkiisu yahay 636m, ballaciisuna 50m iyo joogeeda hoosena yahay 11.5 ilaa 14.5m, iyadoona ay ku bixidoonto lacag gaaraysa 40 Milyan oo dollar, waxaana dhisaya shirkad laga leeyahay wadanka Turky oo la yidhaahdo TTN.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -