Magaca ciyaaryahan oo cabsi iyo jahwareer ka dhax abuuray diyaarad rakaab gudaheeda

Diyaarad rakaab siday ayaa mar qura gudaheeda laga dareemay cabsi iyo jahwareer xoogan, kadib markii naaneesta ciyaaryahan hore uu cabsi galiyay mid kamid ah shaqaalaha diyaarada .

Mid kamid ah rakaabka diyaarada saarnaa ayaa ugu yeeray ciyaaryahan hore oo diyaarada saarnaa naaneestiisa oo aheydĀ “Bomber” oo micnaheedu yahay “qarxiye”, waxaana durba magacaasi maqashay gabar shaqaalaha diyaarada kamid aheyd .

Gabadha shaqaalaha diyaarada kamid aheyd ayaa magaca bomber marka ay maqashay dareentay cabsi waxa ayna u qaadatay in ninkan diyaarada qarxin rabo, waxa ayna arintaasi deg deg ula wadaagtay duuliyihii diyaarada.

Diyaarada ayaa waxaa ka dhax dhacay jahwareer , waxa ayna dadkii diyaarada saarnaa ku qanci waayeen in magaca Bomber uu yahay naanees, waxaa ugu dambeyn Google laga baaray magaca ciyaaryahanka iyadoona markii dambe la ogaaday in naanees yahay magaca.

Eoin Liston oo ahaa ciyaaryahan hore ayaa loo bixiyay naaneesta Bomber kadib markii koox uu katirsanaa oo lagu magacaaboĀ Kerry ka caawiyay in ay saddex gool ku garaacdo kooxda Dublin sanadkii 1978.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -