Xubno ka mid ah Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo kahor yimid Warbixintii lasoo saaray (Akhriso)

Xildhibaano katirsan Guddiga Golaha shacabka u qaabilsan Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda ayaa kahor yimid warbixintii dhawaan ay soo saareen xubno kamid ah guddiga oo lagu sheegay in ay jirto wax isdabamarin.

Toban xubnood oo kamid ah guddiga ayaa qoraal tabasho ah ay soo saareen waxa ay u gudbiyeen Gudoonka golaha Shacabka, waxa ayna xubnahan sheegeen in hab raaca loo maray meel marinta warbixinga ay aheyd mid baal marsan hab raaca xeer hoosaadka.

Xubnaha Guddiga maaliyada u qaabilsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u muuqda kuwa aan isku waafaqsaneyn warbixintii dhawaan lasoo saaray ee lagu eedeeyay Wasaarada Maaliyada Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Qoraalka xubnahan soo saareen 

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -