Musharaxiinta oo markii ugu horeysay cadeeyey mowqifkooda hadalkii Indhacadde

Guddoomiyaha Midowga musharaxiinta Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan rabshadihii ka dhashay banaanbaxii ay Jimcihii iclaamiyeen.

Waxaa uu iska fogeeyey hadal habeenimadii Jimcaha Jen. Yuusuf Indhacade ka jeediyey fagaaraha daljirka dahsoon, kaasoo uu ku sheegay in dalka aysan ka jirin wax dowlad ah, uuna isagu sugayo amniga banaanbaxayaasha.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan jirin cid ay u wakiisheen ka hadalka aragtidooda, isla markaana aan dhiigooda loo baneysa karin hadal ka soo yeeray qof aan ka tirsaneyn golaha musharaxiinta.

“Ma jirto cid aan u wakiilanay hadalkeena iyo aragtideena, waxaan nala yiraahdaa golaha musharaxiinta waxaa nawada khuseeya wixii aan wadajir u soo saarno, nama khuseeyaan hadal ka yimid qof aan naga tirsaneyn dhiigeenana looma baneysan karo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxda dowladu waqtigu ka dhamaaday ee Somalia ayaa si weyn uga carooday hadalka Yuusuf Indhacadde taasoo soo dedejisay in isla habeenkii ciidamada DF kuwii indhacade ka eryaan taalada daljirka Dahsoon, waxayna taasi carqaladeysay banaanbixii mucaaradku halkaas ku qaban lahaa subixii xigay, waxaana dadka hadalka cambaareeyey ka mid ahaa RW Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -