Dowlada oo wada Qorshe ay Sadex Musharax uga reebeyso Doorashada Koonfur Galbeed (Akhriso Magacyada)

Warar saacadihii lasoo dhaafay soo xoogeesanayay ayaa sheegaya in dowlada Federaalka Soomaaliya ay cadaadis xoogan ku saareyso guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed in doorashada ka reebaan qaar kamid ah Musharaxiina.

Xubno Guddiga kamid ah ayaa laga soo xigtay in dowlada Cadaadis xoogan ku saareyso in doorashada ka reebaan qaar kamid ah Musharaxiinta, waxaana dowlada Musharaxiintaasi u aragtaa kuwa saameyn leh oo culees u keeni kara musharaxa dowladu wadato.

Guddiga doorashada ayaa lagu cadaadinayaa in doorashada ka reebaan Musharaxiinta kala ah Sheekh Mukhaar Roobow Cali Abuu Mansuur, Xuseen Cusmaan Xuseen Taliyihii hore ee Hay’ada NISA iyo siyaasiga Aadan Saransoor.

Qaar badan oo kamid ah guddiga doorashada ayaa ka biyo diiday dalabka dowlada ee ku aadan in doorashada laga reebo qaar kamid ah musharaxiinta, waxa ayna guddiga sheegeen in Musharaxiintan ay horey isku diiwaan galiyeen ayna buuxiyeen shuruudaha.

Cadaadiska la saarayo guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in ay sababto in mar kale ay is casilaan xubno badan oo kamid ah guddiga doorashada.

Dadka falanqeeya siyaasada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa aaminsan in dowlada ay wadato Musharax Cabdicasiis Lafta gareen ayna dowlada awoodeeda ku bixineyso sidii uu musharaxaasi u noqon lahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dowlada Federaalka Soomaalia ayaa lagu eedeeyay in faragalin toos ah ku heyso doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya , waxa ayna faro galintaasi sababtay in Shariif Xasan doorashada isaga haro iskana casilo xilka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -