Madaxweynaha Kenya oo loogu baaqay in taageero weediisto Madaxweyne Farmaajo 

Siyaasiga John Mututho, oo horey usoo noqday Xildhibaan katirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ugu baaqay dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta in ay qaado talaabo lamid ah midii dhawaan qaaday Maxkamada gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay John in Maxkamada Gbolka Banaadir xukuno ku riday agaasimayaal  musuq maasuqay lacago iyo agab caafimaad, waxa uuna ku booriyay dowlada Kenya in talaabadaasi oo kale ka qaado masuuliyiin iyana muduq maasuq sameeyay.

Xildhibaan hore John Mututho, ayaa sheegay in ay jiraan masuuliyiin musuq maasuqay agabka caafimaad iyo dhaqaale loogu tala galay wax ka qabashada cudurka Covid-19, waxa uuna xusay in dowlada Kenya laga rabo in dadkaasi talaabo ka qaado .

Siyaasigan ayaa ugu baaqay dowlada Kenya hadii aysan awoodin in ay baarto qaabka loo musuq maasuqay lacagta iyo agabka caafimaad in ay taageero weediisato Soomaaliya si looga caawiyo kiisaskaasi.

Waxa uugu baaqay Siyaasigan Madaxweynaha Kenya uhuru Kenyatta in uu la hadlo kana codsado Madaxweynaha Soomaaliya sidii uga caawin lahaayeen baaritaanka dadka sameeyay musuq maasuqa si loo xiro loona ciqaabo.

“Soomaaliya waxay na tusisay sidda loo xiro loona maxkamadeeyo dadka musuqmaasuqa ee xaday dhaqaalaha Covid-19. Madaxweyaha waa in uu ka codsadaa Soomaaliya kaalmo ku saabsan arrintaan. Mudane madaxweyne, waanu og-nahay in aadan halkaan iska joogin, waxaad u joogtaa Kenya, hadda waa in aad la hadashaa madaxweynaha Soomaaliya si uu kaaga caawiyo arrintaan,” ayuu yiri John Mututho.

Wasaarada Caafimaadka dalka Kenya ayaa la sheegay in uu ka dhacay musuq maasuq xoogan kadib markii qaar kamid ah dhaqaalihii iyo agabkii loogu tala galay kahor taga cudurka Caronavirus la musuq maasuqay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -