Qarax lagu weeraray Maqaayad ku taalla Magaalada Ontario ee dalka Canada (Daawo Sawrro)

Booliska dalka Canada ayaa sheegay in laba nin ay soo galeen maqaayad ku taalla gobolka Ontario kadibna ay aalad ku qarxiyeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in 15 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa oo habeenkii khamiista ka dhacay maqaayadda Bombay Bhel ee magaalada Mississauga ee gobolka Ontario.

Masā€™uuliyiinta ayaa sheegay in 3 ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu aad u liidato halka 12-ka kale uu dhaawac fudud ka soo gaaray qaraxa.

Dadka lagu tuhmayo qaraxan ayaan la qaban. Sidoo kale ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masā€™uuliyadda qaraxa.

Booliiska ayaa dadweynaha ka codsaday inay gacan ka gaystaan soo qabashada tuhmanayaasha, waxayna sii daayeen muuqaallada raggan oo galaya maqaayadda, hase yeeshee wejiyada soo dabooshay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -