Toogasho saakay ka dhacday magaalada Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in kooxo biskoolado ku hubeesan saakay gudaha Suuqa Boosaaso ka geesteen falal isugu jiray dil iyo dhaawac.

Kooxaha hubeesan ayaa gudaha Suuqa Boosaaso ku toogtay Xisaabiyihii guud ee Shirkada Ganacsiga ee Saabir, Axmed Cali Dalaqo, waxa ay sidoo kale kooxdan hubeesan dhaawaceen labo ruux kale oo iyana suuqa ku sugnaa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in goobta si deg deg ah uga baxsadeen dableydii toogashada geesatay, waxaana goobta dilku ka dhacay si deg deg ah usoo gaaray ciidamada booliiska Puntland kuwaa oo baaritaano wada.

Amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa u muuqda mid sii xumaanaya, waxaana xalay magaaladaasi lagu dhaawacay garsoore katirsan Maxkamada sare ee maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -