Qaar kamid ah Qoyska Al Sacuud oo wada qorshe ka dhan ah Amiir Maxamed Bin Salmaan

Xili Dhaxa-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ay heystaan xiisado la xariira fadeexadii dilkii Suxufi Jamal Khashoggi ayaa la sheegay in qaar kamid ah qoyska Boqortooyada ay si hoose u wadaan olole la doonayo in Maxamed laga wareejiyo xilka uu hayo.

Maxamed Bin Salmaan ayey horey cadaawad ay ugu qabeen qaar badan oo kamid ah qoyska Boqortooyada oo uu xiray, qaarna wuxuu la wareegay dhaqaalahooda halka kuwo kale ay aaminsan inuusan xilka uu qalmin, balse Maxamed ayaa ah wiilka uu jecel yahay Boqorka xilka haya ee Salmaan oo laga deyrinayo xaaladiisa caafimaad, kaasi oo si lama filaan ah sanadkii hore ugu magacaabay wiilkiisa inuu noqonayo ninka bedali doono isagoo meesha ka saaray dhaxal-sugihii hore ee Bin Nayef oo isagu hada xabsi guri ku jira.

Bin Nayef ayaa la sheegay inuu kamid yahay ragga taageerada ka heysta qaar badan oo kamid ah qoyska boqortooyada, halka si weyn isagana loo hadal hayo Amiir Ahmed bin Abdulaziz oo ay wada-dhasheen Boqorka Salmaan, kaasi oo muddo dheer ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa dhawaan dib ugu noqday Riyadh.

Ahmed bin Abdulaziz ayaa la sheegayaa inuu taageero weyn ka heystoo xubno awood kuleh dalka Maraykanka kuwaasi oo qaarkood hada olole ka dhan ah Maxamed Bin Salmaan ka dhex wada Kongareeska Maraykanka, kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu diiday inuu cambaareeyo Maxamed Bin Salman.

Wasiirka Arrimaha Dibada Sacuudiga Adel al-Jubeir oo Arbacadii shalay wareysiyo kala duwan siiyey telefishinada reer Galbeedka ayaa si weyn u beeniyey inuu khatar ku jiro mustaqbalka Amiirka, isagoo si adag u cambaareeye warbixinada kacdoonka ka dhex socda qoyska Boqortooyada oo markii hore lagu faafiyey wakaalada wararka ee Reuters.

Adel al-Jubeir ayaa sheegay in aysan waxna ka jirin in Maxamed bin Salman xilka laga xayuubin doono, isagoo dhinaca kale sheegay in Maxamed Bin Salman uusan waxna kala socon dilkii Suxufi Jamal Khashoggi, isla markaana danbigaasi ku koobnaa kooxdii dilka geystay oo uu sheegay in la ciqaabi doono, waa suu hadalka u dhigayee.

By: 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -