Allbanaadir.com
NEWS

Taliska Xoogga oo beeniyey Warar lagu faafiyey baraha bulshada

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sheegay inaanay jirin Diyaarad maanta ku dhacday degaanada Galmudug.

Madaxa Hoggaanka Howlgelinta Guud ee Ciidanka XDS G/sare Cali Aadan Shuuriye ayaa sheegay inuu been abuur yahay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada oo lagu sheegay inay diyaarad Helicopter ah ku dhacday degaanka Xiin-dheere ee koonfurta Gobolka Mudug isla markaasna u gacan gashay al shabaab.

G/sare Cali Aadan Shuuriye ayaa intaasi ku daray in warkaasi uu yahay mid sal iyo raad aan lahayn islamarkaasna kuwa faafiyay wararkaasi been abuurka ah uu uga digayo inay ka waantoobaan.

Related posts

Musharaxiin uu ku jiro Fahad Yaasiin oo qaatay shahaadada diiwaan-gelinta (Sawirro)

Caydiid Ali

Mid kamid ah La taliyaasha Farmaajo oo laga soo celiyay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Aqalka Sare eedeymo kulul u jeediyey Jubbaland & Villa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---