Allbanaadir.com
NEWS

Maxay tahay fariinta Somalia u dirtay dowlada Equatorial Guinea?

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyada oo ku hadlaysa magaca Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxay hambalyo diirran u diraysaa dowladda iyo shacabka dalka Equatorial Guinea oo ku yaalla galbeedka qaarada Afrika  munaasabadda sannad-guuradooda 56-aad ee maalinta Xorriyadda.

Maalintan qiimaha badan waa dabaaldeg xorriyaddiinna, madaxbannaanidiinna, iyo adkaysiga qarankiinna. Soomaaliya waxay sharaf u aragtaa in ay xusto xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, annagoo rajaynayna wada shaqayn weyn oo mustaqbalka ah.

Equatorial Guinea waxaanu idiin rajaynaynaa nabad, horumar, iyo guulo waaweyn oo soo socda.

DHAMMAAD

Related posts

Latinos badan oo Islaamka ku dooranaya Quruxda, Deganaanta iyo Farxadda laga helo!

Cabdi Cade

Agaasimayaal katirsan dowladda oo Maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo soo saaray wareegto lagu Magacaabay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---