Guddoomiyaha Aqalka Sare eedeymo kulul u jeediyey Jubbaland & Villa Somalia

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa hadal uu maanta ka jeediyey kulankii Aqalka Sare uga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in qoraal xalay ay faafisay Madaxtooyada aanu qorin Madaxweynaha, isagoo ku eedeeyay inay qortay gacan seddexaad oo aanu magacaabin.

Wuxuu si weyn u eedeeyay Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul Gobaleedyada inaysan raali ka aheyn dhexdhexaadinta uu wado Aqalka Sare, dhinac kastana ay danahooda gaarka ah iska wataan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi wuxuu si toos ah eedeyn u jeediyay madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, isagoo sheegay inuu yahay mas’uulka ay wax ka socon la’ yihiin caqabaddana ku ah xal u helida khilaafka.

Wuxuu Madaxda Dowlada Dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada ka dalbaday inay u tanaasulaan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana la dhameeyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac oo uu xusay hadii uu socdo inuu sababi karo dhibaatooyin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -