Mid kamid ah La taliyaasha Farmaajo oo laga soo celiyay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Warar lagu kalsoonaan karo oo kusoo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in maanta garoonka Diyaaradaha Kismaayo laga soo celiyay Cabdi Cali Raagge oo ah La Taliyaha  arimaha doorashooyinka Madaxweyne Farmaajo.

Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay ka war heleen in diyaarad kasoo duushay magaalada Muqdisho uu la socdo Cabdi Cali Raagge , waxaana madaxda maamulka Jubbaland amar ku bixiyeen in masuulkaasi diyaarada dib loogu celiyo.

La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo Cabdi Cali Raage ayaa horey usoo noqday la-taliyaha Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, hasa ahaatee khilaaf markii dambe soo kala dhax galay ayuu usoo wareegtay dhinaca Madaxweyne Farmaajo.

Ninkan oo ah siyaasi saameyn badan ku dhax leh Jubbaland ayaa la rumeesan yahay in uu udub dhaxaad u ahaa khilaafkii xooganaa ee soo kala dhax galay Maamulka Jubbaland iyo dowlada federaalka Soomaaliya.

Go’aankan Jubbaland ugu diiday Kismaayo in uu tago lataliyahan sare ee Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili magaalada Kismaayo joogaan Ra’isul Wasdaarr Rooble   iyo Wasiiro katirsan Xukuumada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -