Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Musharaxiin uu ku jiro Fahad Yaasiin oo qaatay shahaadada diiwaan-gelinta (Sawirro)

Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed Hirshabeelle ayaa Guddoonsiiyay Shahadada musharaxinimo 12 musharax kadib markii ay soo dhameystireen shuruudaha doorashada Golaha Shacabka

Musharaxiintan ayaa ku tartamaya 6 kursi oo doorashadoodu beri ka dhaceyso magaalada Baladweyne oo ah degaan doorashada labaad ee Hirshabelle

kuraasta beri la dooranayo ayaa sumadoodu waxay kala yihiin HOP008, HOP015,  HOP074, HOP086, HOP109 iyo  HOP274.

Musharaxiinta shahaadada la gudoonsiiyey waxaa ka mid ah Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah la taliyaha amniga Qaranka kaasoo galabta gaaray magaalada Baladweyne.

Sidoo kale waxaa musharaxiintaas ka mid ah Suxufiyiin ay ka mid yihiin agaasimaha Idaacada Danan Maxamed Barre Fiyoore, agaasimaha warbaahinta City Cabdishakuur Shasha, Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga DF iyo xubno kale.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA QAAR KA MID AH MUSHARAXINTA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo Digniin adag hawada loo mariyay iyo Farmaajo oo qorsheenaya in …

Cabdi Cade

Faahfaahin: Haweeney isqarxisay & askari ilmo 4 jir ah ku kufsaday oo la xukumay

admin

Ilhan Cumar oo fariiin u dirtay Soomaalida ka dib guusheedii doorashada Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---