Allbanaadir.com
NEWS

Abiy Axmed oo shaaciyay xilliga uu fulayo heshiiskii Somaliland la galeen

Rayasal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay in heshiiskii is afgarad ee dhex maray maanulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya uu dhawaan fulayo oo la dhammaystiray.

Raysal- wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sidaasi ka sheegay kulan gaar ah oo uu la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ay ka wada hadleen heshiiska is-faham ee ay 1dii January ee sannadkan kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu caddeeyay in heshiiskaasi soconayo oo la dhammaystiray.

Sidoo kale, war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya,  Taye Atselassie, ayaa lagu  sheegay in Itoobiya ay isticmaali jirtay dekedda Jabuuti, hase ahaatee dhaqaalaheeda koraya darteed ay u baahan tahay dekedo badan oo ay isticmaasho, taasi oo madaxweynaha Shiinuhuna la qaatay.

Heshiiska is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhigaya in Itoobiya laga kireeyo 20km oo ka mid ah xeebaha Somaliland oo ay ka samaysato saldhig millatari oo badda ah, halka Itoobiyana noqon doonto dalka koowaad ee aqoonsada madaxbannaanida maamulka Somaliland.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay Guluf Dagaal oo Hormuud u tahay Galmdug

Cabdi Cade

Taliska Boliiska Somalia oo ka hadlay qaraxa lagu dilay taliye Farxaan Qaroole

Caydiid Ali

Catriona Laing oo Golaha amaanka ee Q/Midoobay warbixin ka siisay xaalada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---