Allbanaadir.com
NEWS

Xukun dil ah oo goordhaw lagu fuliyay Maxamed Kaafi Cabdi

Waxaa goordhaw fagaare kuyaalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud , xukun dil ah lagula fuliyay Maxamed Kaafi Cabdi oo maalmo kahor maxkamadda gobolka Galgaduud ku heshay kiis dil ah kuna riday xukun dil ah.

Ninkan xukunka dilka ah goordhaw lagu fuliyay ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in si kas ah u dilay marxuum Duraan Jaamac Maxamed, waxa uuna sheegay in isna diyaar u yahay in lagu fuliyo xukun dil qisaas u ah marxuumkii uu dilay.

Saraakiil katirsan maxkamadda gobolka Galgaduud iyo saraakiil kale oo ciidan ayaa sheegay in qof kasta oo dil bareer ah geesta ciqaabtiisa tahay in isma la toogto, waxa ayna digniin u direen dadka sida micnodarada ah dadka u dila.

Magaalada Caabudwaaq ayaa sannadkan kaliya waxaa lagu toogtay ku dhawaad 10-nin , kuwaa oo dilal bareer ah u geestay dad kale oo qaarkood shacab ahaayeen, waxaana odayaasha deegaanka isku raaceen in shareecada islaamka laga hirgaliyo degmada lana toogto qof kasta oo dil geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul ka tirsan Maamulka degmada Warta-Nabada oo goor dhow lagu dilay Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Puntland oo ka digay dagaal dhaxmara DFS iyo Jubbaland

Cabdi Cade

Kenya oo qoraal digniin iyo hanjabaad ah soo gaarsiisay dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---