Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay madaxa Bangi Caalami ah oo Muqdisho laga furay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Xamsa ayaa uga mahad-celiyey madaxda bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya ee u baahan in maalgashiga lagu sameeyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan kheyraadka ceegaaga dalkooda.

Kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ayaa waxaa ku wehelinayey Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dib u dhac ku yimid shaacinta Xildhibanada cusub ee Puntland & Musharaxiinta oo..

Caydiid Ali

Xisbiga Weyn ee Nabad iyo Nolol oo lagu dhawaaqayo iyo Mahdi Guuled oo…

Cabdi Cade

Gudoonka Baarlamaanka oo Wasaarada Maaliyadda ka raali galiyay Warbixintii Guddiga Maaliyadda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---