Xubno kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Ciidamada Nabad sugida maamul goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay labo dagaalyahan oo katiranaa kooxda Jabhadaha Al Shabaab, kuwaa oo la sheegay in ay soo goosteen iskuna soo dhiibeen ciidamada Jubbaland.

Labadan dagaalyahan ee isku soo dhiibay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay katirsanaayeen kooxda Jabhada Al Shabaab ee u dagaalama sida ciidamada Milatariga.

War kasoo baxay taliska Nabad sugida Jubbaland ayaa lagu sheegay in degmada Doolow iska soo dhiibeen labo dagaalyahan oo wata labo qori oo nuuca AK-47, waxaana Taliska nabad sugida sheegay in ragan dhaqan celin lagu sameyn doono.

“Degmada Doolow ee Gobolla Gedo waxaa iska soo dhiibay labadan nin oo kamid ahaa kooxda  Al-Shabaab gaar ahaan qeybtooda Jabhadaha loo yaqaan, ragaan iyo laba qori oo A-K47 ah oo ay wateen ayeey oo ay la soo goosteen waxaa gacanta ku haya ciidanka Nabad Sugida Jubbaland ee Gobolka Gedo gaar ahaan kuwa ka hawlgala Degmadda Doolow ragan waxaa lagu sameyn doona dhaqan cellin” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska NISA ee Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan soo bandhigay xubno ay sheegeen in ay kasoo goosteen dagaalyahanada Al Shabaab ee ka dagaalama qeybo kamid ah gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -