Allbanaadir.com
NEWS

Haween qaawan oo ku yaacay fadhiga baarlamanka Ugandha

Booliska Uganda ayaa saaka xiray dhowr waddo oo muhiim ah oo soo gala xarunta baarlamaanka dalkaas

Waxay ka jawaabayeen dhacdooyinkii cajiibka ahaa ee shalay oo koox haween ah ay iyagoo qaawan u galeen baarlamaanka, waxayna ka mudaaharaadayeen eedeymaha musuqmaasuqa ee joogtada ah oo ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan golaha sharci dejinta.

Haweenkan ayaa waxay ka dalbadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu si deg deg ah u iscasilo, iyagoo ku sababeeyay inuu wax ka qaban waayay musuq-maasuqa baahsan ee muddooyinkii dambe soo shaac baxay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Midnimada Qaran (NUP), Mr Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaanno Bobi Wine ayaa ku dhaawacmay gacan ka hadal uu la galay ciidamada ammaanka magaalada Bulindo, ee degmada Wakiso.

Saraakiisha booliiska ee goobta ku sugnaa ayaa ku andacoonaya inuu (Bobi Wine) ku turunturoodey markii uu fuulay gaarigiisa, taasoo sababtay dhaawaca, halka Bobi Wine iyo kooxdiisu ay sheegeen in la toogtay.

 

Related posts

Wasiir Cadaalla oo sheegay in lala xisaabtamayo shakhsiyaad ku kacay arrin halis ah

Caydiid Ali

Faahfaahin Weerarkii ka dhacay duleedka Balcad & Taliye caan ah oo ku dhaawacmay

Caydiid Ali

Xasan Shiikh: “Xariga Suxufiyiinta waa calaamad muujineysa dhaqan keli-talisnimo”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---