Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay dhigiisa Afwerki (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galayo Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac, ayaa lagu gorfeyn-doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.

Related posts

Dhakhaatiirta daweynaya Madaxweyne Trump oo War cusub soo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo Soomaali ah oo la geenayo Gobolka Tigrey si dagaalka ugu biiraan

Cabdi Cade

Wasiir ka dhawaajiyay hadal ka careesiiyay Muslimiinta kunool dalka Jarmalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---