Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Cadaalla oo sheegay in lala xisaabtamayo shakhsiyaad ku kacay arrin halis ah

Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS ayaa mar kale ku celisay digniin ku aadan faafinta dicaayadda Al-shabaab.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa si adag uga hadlay dadka faafinaya fariimaha marin habaabinta ah ee ku saabsan dagaalka dowladdu kula jirto al-shabaab.

Waxaa uu xusay in dadkaas qaarkood ay si ula kac ah u faafinayaan dicaayadda wax uu ugu yeeray argagixisada, taasoo uu ku tilmaamay fal dambiyeed dowladdu kula xisaabtamayso cid walba oo ku kacda.

Dhinaca kale wasiir Al-cadaala ayaa xusay in hawlgalka al-shabaab looga sifaynayo Galmudug uusan waxba iska badalin, isla markaana uu ku socdo sidii dowladdu u qorsheysay.

Waxa uu ugu hambalyeeyey ciidanka xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo ciidamada deegaankaba guulaha waaweyn ee ay todobaadyadii ugu dambeeyey ka soo hooyeen furimaha dagaalka.

 

Related posts

Diyaarado maanta weerar ku qaaday magaalada Moscow iyo Ruushka oo ka hadlay

Cabdi Cade

Xog Cusub oo laga helay Dilkii Gudoomiyihii Hodan iyo Dabin loo Dhigay Axmed Madoobe iyo ..

Cabdi Cade

Nin la dhashay Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo caawa la dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---