Israa’iil ayaa duqeyn la beegsatay Xarunta telefishinka dowlada Iiraan xilli uu hawada ku jiray, tani waxay timid wax yar ka dib markii Wasiirka Gaashaandhiga Israa’iil Yisrael Katz uu jeediyay digniin ka dhan ah warbaahinta dawlada Iiraan.
Xarunta ayaa waxaa qabsaday dab xoogan iyadoo laga daad gureeyey qaar ka mid ah shaqaalaha oo xiligaas shaqada ku jiray.
Telafishinka Iran ayaa dib hawada ugu soo laabtay kadib duqayntii Israa’iil ee hawada ka saartay muddo kooban.
Ben-Gvir Wasiirka Amniga Israel ayaa sheegay in wax xasaanad ah uusan laheyn wax uu ugu yeeray taleefishin u adeega dowlad argagaxiso ah, waxaana sii wadi doonaa ayuu yiri duqeynta ilaa aan guusha ka helno.
Hadalka wasiirka amniga Israel ayaa imaanayo kadib markii Israel duqeysay maanta talefishinka Iran waliba asigoo Live looga hadlayo.
Dhinaca kale, Telefishinnada loogu daawashada badan yahay Israa’iil oo mid ka mid ah uu Netanyahu toos u maalgeliyo ee Channel 12 iyo Channel 14 ayaa shaqaalahooda faray inay isku diyaariyaan daadgureyn degdeg ah, sida ay werisay Reuters.
Ka bixitaanka xarumaha telefishinnadan oo shaqaalahooda laga saarayo, waxaa lala xiriirin karaa inay bartilmaameed u noqdeen Iran, sabab la xiriirta inay Israa’iil maanta duqeymo ka geysatay dhismaha xarunta warbaahinta dawladda Iran.
Wakaaladda wararka Iran ee IRNA, ayaa iyana ku warrantay inay Israa’iil beegsatay kooxaha gurmadka deg deg ah ee bisha Cas ee Iran, waqti ay gudaha Tehran ku howlanayeen inay ka qaadaan dhaawacyo ka dhashay weerarrada Israa’iil.
Weerarka , wuxuu yimid iyadoo sidoo kale maanta ay Israa’iil duqeyn ka geysatay isbitaallo ku yaalla gudaha Tehran.
Weerarradan waxay soo bandhigayaan isbeddel , iyadoo hadda ay Israa’iil gudaha Iran ula macaamilayso xaalad la mid ah wixii aan horey ugu aragnay Qasa iyo Lubnaan