Allbanaadir.com
NEWS

Isra’iliyiin bilaabay iney doonyo tahriib ah kaga qaxaan xeebaha

Israa’iiliyiinta ayaa billaabay inay doomo yar-yar si qarsoodi ah uga baxaan xeebaha ku yaalla magaalooyinka dekedaha leh ee Israa’iil oo ay ku jiraa Xayfa iyo Cashqalan, iyadoo kumannaan dollar looga qaadanayo in la geeyo jasiiradda Qubrus, sida ay ku warrantay Al Jazeera oo xiganaysa wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Haaretz.

Yuhuuda ayaa ka qaxaya weerarada gantaalaha Iran oo khasaare xoogan oo lama filaan ah ka geystay gudaha magaalooyinka waaweyn ee Israel.

Israa’iiliyiinta taariikh ayay u leeyihiin qaxa iyo tahriibka, iyadoo hadda ka bixitaankooda Israa’iil ay ku soo aadayso, xilli caawa ay digniin rasmi ah soo saareen ciidanka Iran oo ku wargeliyay Israa’iiliyiinta inay isaga baxaan Israa’iil, si ay u noolaadaan!

Dhamaan waxaa joogsaday duulimaadyadii caalamiga ahaa ee tegi jiray, kana bixi jiray Israel tan iyo markii uu qarxay dagaalka jimcihii ina dhaafay.

Dhinaca kale, Wargeyska Haaretz ee Israel ka soo baxa ayaa sheegaya in aan wali raq iyo ruux midna lagu heynin dad guryaha ay ku dumeen oo ay ku jiraan xubno u shaqeynayay maamulka, saraakiisha amnigu waxay u sheegeen Haaretz in gabaadka amniga aan hadda laysku haleyn karin, balse ay wadaan ka fakarida habraacyo cusub oo lagu badbaadi karro.

Haaretz & Yedioth Ahronoth oo labaduba ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer Israel waxay leeyihiin awooda gantaalada IRAN waa kuwa sii kordhaya oo marba marka ka dambeysa khasaaraha ay geysanayaan ay sii badanayso.

Related posts

TOOS U DAAWO: Baroordiiqda qaraxii 14kii Oktoobar oo ka socota isgoyska Zoope

Caydiid Ali

Maxaa looga hadlay shirka caawa dhexmaray RW Rooble & Madax goboleedyada? (Sawirro)

Caydiid Ali

Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Turkiga iyo Madaafiic loo riday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---