Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Faahfaahin Weerarkii ka dhacay duleedka Balcad & Taliye caan ah oo ku dhaawacmay

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar jidgal ah oo lagu qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo ka yimid magaalada Jowhar kuna sii jeeday magaalada Muqdisho xilli ay ku socdaalayeen duleedka degmada Balcad.

Weerarkan oo ay sheegtay Alshabaab ayaa lagu dhaawacay Taliyaha Guutada koowaad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral Ibraahim Yuusuf, waxayna wararku sheegayaan in dhaawaca uu ka soo gaaray Qarax miino oo haleelay Gaari uu la socday agagaarka degaanka Gololey ee duleedka Balcad.

Qaraxa kadib ayaa labada dhinac waxaa dhex maray Dagaal culus, iyadoo muddo ay rasaastu socotay. Taliyaha Guutada koowaad iyo abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay inay magaalada Jowhar u tageen tirakoobka ciidamada dowladda ee Gobolka Sh/Dhexe iyadoo Abaanduulaha la shegay inuu diyaarad saaka ka raacay magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegay in Gawaari Mini Bus ah oo ka mid ahaa baabuurtii la socday Ciidamada la weerarray ay qabsadeen Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo furay Shirweynaha xoojinta iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika

Cabdi Cade

Sayid-cali Macalin oo maanta mar kale Maxkamad kasoo muuqanaya

Cabdi Cade

Haweeney dhirbaaxday askari Israa’iili ah oo xukun maxkamadeed lagu riday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---