Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Caafimaadka oo su’aalo laga weydiiyey gaabis ku yimid..

Guddiyada Maaliyadda ee labada aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan su’aalo weydiin ah xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda, agaasimaha guud ee Wasaaradda, iyo sidoo kale madaxda mashaariicda ay wasaaradda dalka maamusho.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha Guddiga Maaliyada,Miisaaniyada Qorshaynta iyo La xisaabtanka hay’adaha Dawladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa ujeedkiisu ahaa In mas’uuliyiinta wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo uu wasiirka ugu horeeyo wax laga weydiiyo Mashaaricda wasaaradda caafimadka ee gaabiska ka jiro iyo Caqabadaha haysta mashaariicda caafimaad ee dalka ka socota.

Xubnaha guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wasiirka Caafimaadka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda su’aalo adag ka weydiiyay Mashaariicda Miisaaniyada ku jirta oo ay Wasaaradda maamusho gaabiska jira iyo kuwa Dalka ka socda ee aan miisaaniyada ku jirin.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada,Miisaaniyada Qorshaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dawladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka uga mahadceliyay ka jawaabista u yeeritaanka guddiga,waxaana dhanka kale uu sheegay in guddiga looga baahanyahay in ay qoraal faahfaahsan kusoo gudbiyaan mashaariicda caafimaadka la xiriira ee dalka ka socda.

Related posts

Aabe si arxan daro ah u dilay labo gabdhood uu dhalay oo Maxkamad lasoo taagay

Cabdi Cade

Al-Shabaab: “C/casiis Afrika muddo dheer bay Mujaahidiintu ku raad joogeen”

Caydiid Ali

Warbixin xasaasi ah:- Xaalada Xamar Xumaatayee Xagee loo carari doonaa?

Caydiid Ali