Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xasan Shiikh: “Xariga Suxufiyiinta waa calaamad muujineysa dhaqan keli-talisnimo”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay xariga weriye C/casiis Axmed Gurbiye oo Madaxtooyada Soomaaliya ay dacwad kusoo oogtay.

“In loo hanjabo oo la xiro saxafiyiinta si loo aamusiyo ma caawineyso dimoqraadiyadda dalkeena aan jecelnahay ee Soomaalia. Xariga weriyaha weyn Mr. Gurbiye, kana tirsan Goobjoog waa calaamad muujineysa dhaqan kelitalisnimo oo socda..” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Dowladii uu hoggaaminayey Xasan Sheekh ayaa la ogyahay inay xirtay saxafiyiin badan, iyadoo maxkamad soo taagtay qaarkood oo lagu soo eedeeyay inay u gafeen hay’adda iyo Sharafta Madaxweynaha.

Sidoo kale Xasan Shiikh ayaa xiligii uu Madaxweynaha ka ahaa dalka hawada ka saaray idaacado ku yaalla Muqdisho oo xirnaa muddo dheer, waxayna dad badan isweydiinayaan sida shaqsi noocaan ah uu ugu doodi karo weriye la xiray, markii uu talada dalka ka degay ka dib.

Shalay ayey aheyd markii Saldhigga Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho looga yeeray Weriye C/casiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan weriyeyaasha iyo maamulka Warbaahinta Goobjoog, iyadoo kadibna loo sheegay inuu xiran yahay.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in weriyaha loo xiray qoraal uu ku faafiyey baraha bulshada oo uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaatay Mashiin loogu talo galay neef siinta sanbabada marka shaqadoodu ciriiri gasho kaasoo loogu talo galay dadka uu soo rito cudurka Coronavirus ee jiifa isbitaalka Martiini.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiinta Hirshabelle oo loo qabtay iney 48 saacadood uga baxaan Belad-weyne

Caydiid Ali

Dowladda Mareykanka oo ku dhawaaqday xaalad Caafimaad oo deg deg ah

Caydiid Ali

Faahfaahino ka soo baxaya Madaafiic lagu garaacay qeybo ka mid ah Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---