140 Gantaal iyo dayuurado daroonis tiro beel ah ayey Iran hadda sheegtay inay ku wajahan yihiin Israa’iil.
Taleefishinka Qaranka Iran ayaa hada baahiyay warka Gantaalada Iran caawo ku weerartay Israel, warka Taleefishinka ayaana lagu yiri; “Iran waxay weerar labo geesood ah loona adeegsaday Drone iyo Gantaalo ku qaaday magaalooyinka Talaabiib iyo Xeyfa”
Afhayeenka ciidanka ilaalada kacaanka Iran, Jen. Ali Mohammad Naeini ayaa isna yiri:” Israa’iil, waxaan ku qaadnay weerar gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Weerarradeena waxay soconayaan caawa ilaa qorraxdu ka soo baxdo.”
Ilaa iyo hadda, ma jirto wax digniin weerar ah ka soo baxday dhinaca Israa’iil, oo la xiriirta in weerar ay qaaday Iran. Waxaa sidoo kale muuqata in Israa’iil ay wajahday weerar dhinaca internetka (cyber) oo weyn, taasoo laga yaabo inay carqaladeysay nidaamyadii isgaarsiinta iyo digniinaha degdegga ah ama Israa’iil ayaa dhaqangelinaysa siyaasaad xannibaad ah oo lagu joojinayo waxa ka dhacaya gudaha Israa’iil.
Warkaan ayaa ku soo beegmay xili warbaahinta Israel caawo baahisay in xaruuntii xeyfa ee Batroolka lagu sifeyn jiray toos albaabada la isugu dhuftay kadib markii xalay si daran loo duqeeyay.