Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya ayaa wajahaya fadeexad siyaasadeed iyo mid sharciyeed, kaddib markii si cad loo ogaaday in uu isku dayay qarin iyo marin-habaabinta liiska dhabta ah ee wafdiga ka qaybgalay shirkii Hay’adda Caalamiga ah ee Shaqaalaha (ILO) ee lagu qabtay magaalada Geneva, Switzerland.
Xog rasmi ah oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee ILO ayaa muujisay in tirada dadka visaha la siiyay ee wafdiga Soomaaliya shirka ku matalayay ay 22 qof ahaayeen.
shaxda hoose waxaa ka maqan hal qof oo aan shirka imaanin oo ka socday Rugta ganacsiga Mr. Abdinasir Jimale Mohamed. tasoo tiradda guud ka dhigaysa 22 qof.
13 ka qof kaliya ee La xaqiijiyay in ay shirka ka qayb-galeen oo uu wasiirka 11 ka mid ah Saxaafadda u soo bandhigay.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mr. Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa si rasmi ah u soo bandhigay wafdigii ka qeybgalay shirkii Shaqaalaha ee ay soo qabanqaabisay Hay’adda Caalamiga ah ee Shaqaalaha Aduunka (ILO). Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ku saabsan wafdigaasi ayaa la sheegay inay tahay mid aan dhameystirneyn, iyadoo laga qariyay xogta dhabta ah ee la xiriirta dadkii tahriibka lagu geeyay Yurub.
Waxaa la sheegay in Wasiirka iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Sxafiyeenta ee (NUSOJ)Cumar Faaruuq Cismaan, ay si wadajir ah u qoreen liiska wafdiga, taasoo keentay in xubnaha lagu qeybsado Wasaaradda iyo Ururka dhexdiisa. Tani waxay dhalisay tuhun ku saabsan hufnaanta iyo daahfurnaanta habka loo maray magacaabista wafdiga, gaar ahaan marka la eego doorka dadkii tahriibka ahaa ee aan si cad loo shaacin.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo ururrada shaqaalaha ee metelaya danaha shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan marka ay timaado ka qeybgalka shirar heer caalami ah oo muhiim u ah xuquuqda iyo mustaqbalka shaqaalaha dalka.
Su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah 22 qof oo visa qaatay, isla markaana uu wasiirku soo bandhigay 11 qof oo sawirkooda hoos ka muuqdo iyo 2 qof oo aan sawirka ku jirin oo kala ah Safiirka Soomaaliya u fadhida Dalka Switzerland iyo Xoghayaha Safaaradda, Marka laga reebo aaway dadkii kale?
- Yusuf Mohamed ADAN
- Abdifatah Dahir JAYTE
- OSMAN, Osman Haji Ibrahim OSMAN
- Hussein Idow ALI.
- Suada Abdullahi MOALLIM
- Omar Faruk Osman NUR
- Farah Mohamed YUSUF
- HASSAN ALI GESEY
- Mahad Ahmed MOHAMED
- Ahmed Hassan ISMAIL
- Ahmed Osman SAID
Baaritaano iyo Xiriiro aan La samaynay agaasime-waaxeedyadda iyo shaqaalaha wasaaradda ayey noo cadeeyeen Maskada ka danbeysa in fadeexaddaan tahriibka ah ay Wsaaraddu ku kacdo uu yahay Agaasimaha Guud ee Wsaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Mudane Yusuf Hassan Isaaq oo isticmaalaya awood ka baxsan tan uu sharciga shaqaalaha dowladda siiyay.
Wasiirka Shaqada ayaa lagu eedeeyay inuu qariyay xogta dhabta ah ee wafdigii ka qeybgalay shirkii ILO. Arrintan oo ah fadeexad caalami ah lama qarin karo, waxaana la sugayaa in la shaaciyo liiska saxda ah loona bandhigo madaxda dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
arrintaan ayaa imaanaysa ayadoo Wasiirka iyo wafdigiisa ay ka qeeb galeen ololo Looga soo horjeedo dowladda aan walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya, taasoo dhaawacaysa sumcadda dalka.
Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa laga sugayaa inay arrintan wax ka qabtaan.