Allbanaadir.com
NEWS

Xeer ilaaliyaha Somaliland oo ka hadlay Sababta loo xiray Xildhibaan Abiib

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulka Somaliland , ayaa qoraal uusoo saaray ku shaaciyay sababta ay ciidamada ammaanka u xireen xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo katirsan goaha Wakiillada Somaliland, kaa oo shalay laga xiray garoonka Hargeysa xilli uu Dubai ka yimid.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa lagu sheegay in xildhibaanka la xiray uu faraha kula jiray dambiyo culus, waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in sababta loo xiray xildhibaanka saakay la socodsiiyeen golaha Wakiillada.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaana sheegay in codkii ay saakay golaha Wakiillada u qaadeen xasaanad ka xayuubinta xildhibaanka ay aheyd mid ay bisgii July u gudbiyeen golaha Wakiillada, waxa uuna xusay in wali uu taagan yahay dambiyada loo heesto Xildhibaan Abiib.

Qoraalkan kasoo baxay Xeer ilaaliyaha maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya , xilli saakay xildhibaannada golaha Wakiillada cod ay u qaadeen xasaanad ka xauubinta xildhibaanka si aqlabiyad eh u diideen, iyagoona ku baaqay in xildhibaanka deg deg loo soo daayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiiro iyo Maal qabeeno caan ah oo laga sii daayay Hotel xabsi ahaan ugu xirnaayeen

Cabdi Cade

Dowlada Sacuudiga oo Balan qaad muhiim ah u sameysay Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed

Cabdi Cade

(Sawirro) Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laga soo badbadiyey badda Meditrenian

Caydiid Ali
Taboola Ads ---