(Sawirro) Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laga soo badbadiyey badda Meditrenian

Markabka Sea Watch ee laga leeyahay dalka  Jarmalka  ayaa saaka Badda Liibiya iyo Yurub u dhaxaysa ka soo Sama tabixiyey 49 qof oo xaalad adag ku sugnaa.

Isla maanta ayaa 25 qof oo kale waxaa Markabkan uu ka soo samata bixiyey baddaas.

Dhammaan dadkan ayaa u badnaa Afrikaan doonyaha la buufiyo ka soo raacay xeebaha Liibiya iyagoo ku sii jeeday Qaarada Yurub.

74 Qof ayaa hadda saaran Markabka Sea Watch 3 waxaana daryeel u fidinaya Shaqaalaha Caafimaadka Markabka.

Dadkan waxaa ka dhex muuqda Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Nasiib Wanaag ka soo Samatabaxay safarakaas halista badan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -