Amiiro iyo Maal qabeeno caan ah oo laga sii daayay Hotel xabsi ahaan ugu xirnaayeen

Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa dib xuriyadooda u siisay Amiiro iyo Maal qabeeno caan ahaa dalkaasi, kuwaa oo ku xirnaa Hotelka raaxada ee Ritz Carlton ee kuyaala magaalada Riyaad.

Amiiradan iyo maal qabeenada ayaa la xiray intii uu socday howlgalkii la sheegay in Musuq maasuqa lagula dagaalamayay, waxaana howlgalkaasi lagu xiray Amiiro , Masuuliyiin hore iyo maal qabeeno badan.

Xubnahan cusub ee hada xabsi laga sii daayay ayaa ogolaaday in ay bixiyaan dhaqaalo badan oo qaab madax furasho camal ah, waxaana wali Hotelka ku xiran Amiiro iyo xubno kale oo diidan in lacag dhiibaan si loo sii daayo.

Dadka caanka ah ee hada lasoo daayay waxaa ka mid ah Waalid Al-Ibraahim oo ah milkiilaha taleefishinka Carbeed ee MBC ee ah midkii ugu horreeyay ee si gaar ah loo leeyahay.

Dowlada Sacuudiga ayaan wali ka hadlin  shuruudaha ninkan iyo xubnaha kale lagu sii daayay, waxaana soo baxaya in dadkan bixiyeen dhaqaalo badan oo dowlada ka dalbatay si xuriyadooda dib ugu helaan.

Dadka wali Hotelka Ritz Carlton  ku xiran waxaa kamid ah ninka taajirka  ah ee Alwaleed bin Talal kaas oo diiday in xoriyaddiisa uu ku iibsado uuna bixiyo lacago badan, waxa uuna diiday qorshayaal badan oo loo soo bandhigay.

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa bilaabay howlgal lagula dagaalamayo Musuq maasuqa, waxaana intii howlgalkaasi socday la xiray boqolaal qof oo isugu jira Amiiro, Maal qabeeno caan ah iyo masuuliyiin horey Boqortooyada xilal uga soo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -