Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano ku dhax dagaallamay Golaha Wakiillada Somaliland

Kulan ay maanta yeesheen golaha Wakiillada maamulka Somaliland, ayaa waxaa hareeyay buuq iyo foodo, waxaana markii dambe gudaha xarunta iyada uu fadhiga socdo ku dagaallamay labo xildhibaan oo katirsan golaha Wakiillada Somaliland.

Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland , ayaana maanta cod u qaaday kiis xasaannad ka xayuubin ah oo lala doonayay xildhibaan Maxamed Abiib oo u xiran maamulka Muuse Biixi, xildhibaannada qaar ayaana isku maandhaafay xasaannad ka xayuubinta xildhibaabka xiran.

Muuqaallo toos loogu baahiyay baraha bulshada ayaa laga arkayay xildibaan Barkhad Batuun iyo xildhibaan Jamaal Jaah oo gacanta iskula tagaya, waxa ayna labada xildhibaan madaxa iska dhaceey sheeyo ay gacanta ku heesteen marka uu dagaalka bilaabanayay.

Xildhibaanno u dhawaa labada mudane ee dagaallamay ayaana ku guuleestay in ay kala qabtaan, lamana oga ilaa hadda sababta rasmiga ah ee keentay in gacanta isku qaadaan labada mudane sidoo kale lama oga in dhaawavcyo soo kala gaaray.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi , ayaana saakay waji gabax kala kulantay kulankii golaha Wakiillada Somaliland, kaddib markii xildhibaannada iska diideen qorshihii xukuumadda rabtay ee ahaa in xasaannada laga qaado xildhibaan Maxamed Abiib oo xiran, si dacwad loogu soo oogo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo shaacisay in duqeyn lagu dhaawacay hogaamiye ka tirsan Al-shabaab (Akhriso)

Caydiid Ali

Xukun adag oo lagu riday nin Al Shabaab u qaabilsanaa toorista Bambooyinka

Cabdi Cade

Israel oo weerarkii ugu dhimashada badnaa 20 sano ka geysatay Qaza (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---