Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Sacuudiga oo Balan qaad muhiim ah u sameysay Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed

Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa safarkiisii ugu horeeyay uu ku tagay meel ka baxsan Qaarada Afrika ku tagay Boqortooyada Sacuudiga, waxa uuna lasoo kulmay Madax katirsan dalkaasi.

Sacuudiga ayaa balan qaadyo badan u sameesay Ra’isul Wasaaraha dalka Ioobiya, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen xiriirka soo jireenka ahaa ee labada dal ka dhaxeeyay iyo sidii loo xoojin lahaa.

Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in Sacuudiga u balan qaaday in xabsiyada kasii daayaan Itoobiyaan badan oo ku xiran xabsiyada kala duwan ee Boqortooyada Sacuudi Carabia.

Xabsiyada dalka Sacuudiga waxaa buux dhaafiyay kumanaan Itoobiyaan ah oo isugu jira rag iyo haween kuwaa oo badankood dalkaasi ku tageen qaab sharci daro ah kuna heesteen shaqooyin kala duwan.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa qorsheeneysa in xabsiyadeeda kasii deyso Itoobiyaan badan oo xiran kadibna u musaafuriso dalkooda Itoobiya, waxaana dadkan loo sii deyn doonaa qeyb qeyb .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Gorgor oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay guddiga Farsamo ee arrimaha xasillinta

Cabdi Cade

(Daawo Video) Anas yare oo ku dhibaataysan degmada dharkeenleey oo u baahan kaalmo caafimaad oo deg deg !!

admin
Taboola Ads ---