Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Donald Trump oo u faanay dhigiisa Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa u jawaabay dhigiisa Kuuriyada Waqooyi oo dhawaan shaaciyay in xafiiskiisa uu u yaalo badhanka laga rido hubka Nukliyeerka.

Donald Trump oo hadalkaasi ka jawaabayay ayaa ugu faanay dhigiisa Kuuriyada Waqooyi in badhanka hubka Nukliyeerka dalka Mareykanka uu ka weyn yahay kana awood badan yahay kan ay heesato Kuuriyda Waqooyi.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in miiska xafiiskiisa uu saaran yahay badhanka laga rido hubka Nukliyeerka , ayna adeegsan karaan xili kasta hadii ay dareemaan cabsi dhinaca amnigooda ah.

Dowlada Mareykanka ayaa heesata hubka Nukliyeerka ee aduunka ugu weyn, waxaana fariinta Donald Trump muujinaysaa in uu heesto numbrada sirta ah ee loo adeegsan karo hubka nukliyeerka.

Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi waxaa hada u dhaxeeya dagaal dhinaca afka ah, waxaana labada Madaxweyne ee dalkaasi hawada isku mariyaan fariimo hanjabaadyo ah iyo kuwa ay isku caynayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxaa ka soo baxay Wadahadal telefanka ku dhexmaray shanta Madaxweyne goboleed?

Caydiid Ali

Dayuurad ku jeeday Turkiga oo deg deg u fariisatay dalka Spain (Akhriso Sabab yaab leh)

Caydiid Ali

Booliska Somaliland oo albaabada u laabay xarumaha labo Telefishin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---