Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka soo baxay Wadahadal telefanka ku dhexmaray shanta Madaxweyne goboleed?

Madaxda shanta maamul goboleed ee Somalia ayaa xalay yeeshay kulan dhanka telefanka ah oo la xiriiray xal u helida muranka ka taagan qabashada doorashada.

Waxaa kulanka ka qeyb galay Madaxda Puntland, Jubbaland, K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, iyadoo diirada lagu saaray kulankan sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho lagu wada qanco.

Madaxda Dowlad Goboleedyada waxay sidoo kale kaga hadleen kulankooda sidii la iskaga soo dhowaan lahaa, caqabadaha doorashada ku hor gudbana loo xallin lahaa, lamana faahfaahin waxyaabaha ka soo baxay wadahadalkaasi

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili wakiilada Beesha caalamka u jooga Somalia ay siyaabo kala gooni ah shirar dhanka Muuqaalka ula  yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada kaasoo looga hadlayay xal u helida is-mari waaga ka taagan doorashooyinka, iyadoo madaxda DF uu waqtiga ka dhacayo wax ka yar saddex todobaad gudahood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Muqdisho ugu socday DF & dowlad goboleedyada oo qodobo muhiim ah laga soo saaray

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada oo ansixiyay hab-raaca Hoggaanka hubka ee Ciidanka XDS (Sawirro)

Caydiid Ali

Heshiis lagu dhisayo qaar kamid ah Magaalooyinka dalka oo lakala saxiixday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---