Dayuurad ku jeeday Turkiga oo deg deg u fariisatay dalka Spain (Akhriso Sabab yaab leh)

Dayuurad ay laheyd shirkadda Air Arabia Maroc oo ka soo duushay garoonka magaalada Casablanca ee dalka Maroco kuna sii jeedday Istanbul ayaa xalay waddadeedii ka weecatay markii ay duuliyeyaashii waday dalbadeen inay si deg deg ah ugu baahan yihiin inay ugu degaan garoonka Palma ee Mallorca ee waddanka Spain.

Duuliyeyaasha ayaa sheegay in qof rakaabka ka mid ah uu galay xaalad miyir beel ah cudurkana Macaankana uu qabo una baahan yahay gurmad deg deg ah.

Saraakiisha garoonka Palma ee Mallorca ee waddanka Spain ayaa aqbalay codsiga duuliyeyaasha, iyagoo u fasaxay iney dayuuradu halkaas ku soo degto si qofka xanuunsanaya gargaar deg deg ah loogu fidiyo.

Hase ahaatee Dayuraddii markii ay soo caga dhigatay garoonka Malorca oo gaadiidka Ambalaaska caafimaadka loo diyaariyay ayaa waxaa dhacay arrin yaab lama filaan noqotay ka dib markii dayuurada ay mar kaliya ka soo yaaceen ninkii la sheegayeyn inuu xanuunsanaa iyo ku dhowaad 20 kale oo tahriibayaal ah kuwaasoo ku firxaday Baarkinadii dayuuradaha ee garoonkaasi.

Duuliyeyaashii iyo saraakiisha garoonka Malorca ayaa Mar dambe ogaaday in degitaankaasi deg degga ah ee (Emergency landing) uu ahaa mid been abuur ah oo qof xanuunsanba uusan jirin, ujeedaduna ay aheyd xeelad dhalinyaradaas tahriibayaasha u dejiyeen iney ku galaan Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -