Booliska Somaliland oo albaabada u laabay xarumaha labo Telefishin

Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland ayaa saaka albaabada u laabay xarumaha labada TV ee Horyaal iyo Eryal ku leeyihiin Magaalada Hargeysa.

Sida warku sheegayo amarkan lagu xiray Xarumaha Tv-yada ayaa kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxaana lagala laabtay Ruqsadii ogolaansho ee labadaasi Telefishin ay kaga shaqeynayeen Somaliland.

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa sheegtay in sababta loo xiray labada Tv ay tahay ka dib markii ay faraha la galeen arrimo ku saabsan ciidamada Maamulka  Somaliland .

Mas’uuliyiinta labada telefishin ee Horyaal iyo Eryal ee Magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale looga yeeray Xarunta dembi baarista ee booliska Somaliland.

Tallaabadan saaka albaabada la isugu laabay Xarumaha Horyaal iyo Eryal TV ee Magalada Hargeysa ayaa waxaa cambaareeyay ururada saxaafada ee Somaliland.

Si rasmi ah looma oga sababaha rasmiga ah ee keenay in maamulka Somaliland ay shaqada ka joojiyaan labada telefishin, balse maamulka Somaliland ayaa ku caan baxay xariga iyo caburinta saxaafada madaxa banaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -