Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo jago sare ka raadineysa IGAD iyo Wasiirkii hore Arimaha Dibada oo ..

Soomaaliya ayaa raadineysa in jago sare ka qabato Urur goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay, waxaana xilkan dowlada Soomaaliya ku taageereysaa Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali xil sare ka qaban Urur Goboleedka IGAD oo la aas aasay sanadkii 1996-dii, waxa ayna Soomaaliya sanadkan dooneysaa in xil sare ka qabato Ururka IGAD.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar ayaa dadaal ugu jira in uu noqdo xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, waxaana Hadliye xilkan la raadineysa Dowlada Federaalka.

Soomaaliya ayaa hadii ay ku guuleesato xilkan xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD  u noqon doontaa xilkii ugu sareeyay ee IGAD ka hesho, waxaana Soomaaliya marar badan isku dayday in xil sare ka hesho IGAD balse ku guul dareesatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqo Joojin lagu sameeyay Mid kamid ah Shirkadaha ka shaqeeya Muqdisho

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo xilka ka qaaday Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan

Cabdi Cade

Netanyahu oo amray in la weeraro magaalada Rafax xilli looga digayo Weerarkaasi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---