Allbanaadir.com
NEWS

Dadaalo xal loogu raadinayo Dagaalka Luuq oo bilowday (Sawirro)

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa bilaabay dadaalo nabadeed oo xal loogu raadinayo colaada ka aloosan degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas ay ku dagaallameen labo maleeshiyo beeleed oo garab ka kala helayay ciidanka dowladda.

Madaxwayne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland oo ay weheliyaan xubno isugu jira heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirar hor dhac u ah xal u helidda shaqaaqadii ka dhacday degmada Luuq waxa ay laqaateen odayaasha dhaqanka degmada Luuq .

Shirkan oo hordhac u ah sidii loogu soo celin lahaa nabad kuwada noqolaanshiyaha bulshada kunool degmada Luuq ayaa waxa la isku afgartay in laga wada shaqeeyo nabadda islamarkaana laga sii anba qaado sidii loo heshiisiin lahaa beelaha walaalaha ee ay shaqaaqadu dhex martay.

Dagaalka ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalka sidoo kale sababay in la gubo suuqii ku yaallay degmada Luuq ayna halkaasi ka barakacaan dadkii ku dhaqnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Abiy oo war hor leh ka soo saaray colaadda Tigray iyo Guddi uu magacaabay

Cabdi Cade

Tirinta Codadka Wareega 1-aad oo soo dhamaatay (Akhriso Sida Codadka loo kala helay)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Tobankii gaari ee Aduunka ugu nashqada xumaa ee la soo saaro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---