Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo Sudan ku duqeeyey saldhigyo ay joogeen Ciidanka Imaaraadka

Wararka laga helayo gudaha Sudan ayaa sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay weerar culus ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Imaaraadka Carabta (UAE) ku leeyihiin gudaha dalkaas, gaar ahaan meelaha ay gacanta ku hayaan ciidamada Rapid Support Forces (RSF).

Weerarkan ayaa la sheegay inuu sababay khasaare xooggan oo soo gaaray ciidamada RSF, kuwaasoo lagu eedeeyo inay taageero ka helaan Imaaraadka Carabta.

Sudan ayaa horey ugu eedeeysay Imaaraadka inay hub iyo taageero dhaqaale siiyaan RSF, inkastoo Imaaraadku uu beeniyay eedeymahaas .

Dhinaca kale, Turkiga ayaa lagu eedeeyay inuu hub iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) siiyay ciidamada dowladda Sudan, taasoo qayb ka ah dagaalka ka socda dalkaas.

Isku dhacyadan ayaa muujinaya sida uu dagaalka Sudan u noqday mid ay ku lug leeyihiin quwadaha shisheeye, iyadoo Turkiga iyo Imaaraadka ay siyaabo iska horjeeda u kala taageeraan dhinacyada isku haya dalkaas.

Warbixintan ayaa lagu soo bandhigayaa sida ay quwadaha gobolka u saameynayaan xaaladda Sudan, iyadoo la filayo in arrintani ay sii xumeyso xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Imaaraadka.

Related posts

Taliyaha Booliiska oo shaaciyay in la xiri doono qof kasta oo Aflagaado iyo xadgudub geesta

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dad reer galbeed ah oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Sacuudiga

Caydiid Ali

Booliska Mareykanka oo soo qabtay ninkii dilay Imaam Shiikh Mohamed Hassan Aadan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---