Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo Digniin diray kaddib arrin dhacday

Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan ay xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya yeelan lahaayeen, kaddib markii xildhibaanno badan ka baaqsadeen in ay soo xaadiraan kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa si weyn uga carooday kooram la’aanta uu maanta u baaqday kulanka, waxa uuna sheegay in ay ceeb ku tahay xildhibaannada in kulanka uu maanta iyaga dartood u baaqdo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in lala xisaabtami doono xildhibaannada caadada ka dhigtay in kulamada iska baaqdaan, waxa uuna digniin adag hawada u mariyay xildhibaannada fasax la’aan isaga maqan kulamada golaha leeyahay.

“ Wax la aqbali karo ma aha in kulamada golaha kooram la’aan u baaqdaan, xildhibaannada kulamada ka maqnaadana waa la xisaabtameynaa “ ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo caro xooggan wajigiisa ka muuqatay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbuucii hore furay kalfadhigga shanaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana maanta baaqday kulankii ugu horreeyay ee xildhibaannada Golaha Shacabka ay isugu imaan lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiinta diidan Laftagareen oo Shuruudo ku xiran shirka Dib u heshiisiinta ee la qabanayo

Cabdi Cade

Maxay Raga kaliya u leeyihiin Xuurul cayn Janada? Xulka Jimcaha ee Hussein Sahnuni

admin

Nin Sabool ah oo dib u celiyay lacag aad u u badan uu ka helay goob cidlo ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---